Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka fuliyey gobolkan Mandheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo gobolka Shabeellaha hoose.
Gobolka Shabeellaha hoose, jihaadiyiintu waxay galabta madaafiic ku garaaceen xerada ciidamada Uganda ee degmada Buulo Mareer.
Sida ay xogtu tibaaxayso, xilliga duqayntu dhacaysay waxa la xaqiijiyey in xerada ay ku sugnaayeen kolonyo maleeshiyaad ah oo ka yimid Muqdisho.
Sidoo kale, jihaadiyiintu waxay hoobiyeyaal ku duqeeyeen xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Mubaarak ee isla gobolka Shabeellaha hoose.
Inta la xaqiijiyey duqayntaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda daba-dhilifka ah ee Villa Soomaaliya.
Waxa kale oo sida ay xogtu xaqiijisay duqayntaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 11 askari oo kale, oo uu ku jiro sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Mukhtaar.
Gobolka Mandheera, waxaa isna ka dhacay weerar culus oo jihaadiyiintu ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Ceel-raamo ee degmada Ceel-qaalow.
Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada jihaadiyiintu ay sida joogtada ah ugu ugaarsadaan ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada kaba-qaadka u ah.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
Iyo sidoo kale bartayada Facebook:
